| 
Toronto, Canada. Waxaa ciyaar kama dambeyn ah amase final ah uu garoonka Soccer Centre ay ciyaar aad u wanaagsaneyd balse uu dhadhankii ka haleeyey garsoorihii ciyaartu ay dhexmartay laba kooxood ee Dixon FC iyo Toronto United.
Ciyaarta ayaa waxay ku bilaabatay weerar joogta ah oo lagu hayey kooxda Toronto United taasoo sababtay in laga dhigo darbo xor ah oo aan toos ahayn waxaana u soo baxay ciyaartoyga la yiraahdo Kamaal Kusoow oo goolka abaaray madaxana uu si fiican ugu taabtay inanka la yiraahdo Abdisalaan - Russel balse waxaa nasiib daro noqotay inuu garsooruhu diiday goolkaas taasoo ka fajicisay labadda kooxood iyo dhammaan dadkii u soo daawasho tagay ciyaarta.


Kooxda Dixon FC oo aan kala goynin weerarkeeda ayaa laba daqiiqadood ka dib waxay dhashatay GOOL aad u qurux badan oo uu dhaliyey Kamaal Kusoow waxaana lagu kala nastay 1-0 ay kooxda Dixon FC ku hogaaminayso. Qaybtii labaad ee ciyaarta markii la isugu soo noqday waxay kooxda Dixon FC iska lumisay fursado badan oo loo fishay goolal balse markii ay ciyaartu ka dhiman tahay lix daqiiqadood oo kaliya ayuu garsoorihii ciyaartu wuxuu Rigoore dadkii garoonka isugu yimid ay mar kale la yaabeen uu siiyey kooxda Toronto United halkaasna uu ugu saxiixay Fuad ciyaartiina waxay noqotay kuna dhamaatay wakhtigii loogu talagalay 1-1.
Waxaa la isla tagay Rigoorayaal, 3 tuurasho koox kasta, waxaana 3-2 ay guushu ku raacday kooxda Toroonto United oo aan ku faraxsanayn guusha loo shukaamiyey! Kamaal Kusoow wuxuu ku guulaystay MVP, Difaaca ugu fiicanna waxaa ku guuleystay Mohamed Jermal.



Akhristoow mar aan wareysi la yeeshay maamulka kooxda Dixon FC waxay ii sheegeen in Ali Bashi oo ahaa ciyaartooyga Rigooradda lagu abaalmariyey uu u sheegay in hore loogu sheegay inuu iska dhex istaago khadka rigooraha iyadoo garsooraha hore loo soo shukaamiyey - balse ma fileyn anigoo wali taagan oo aysan cidina i taaban in rigoore la i siiyo, waxaan u yaxyaxsanahay si ka xun Henry ga France ayuu yiri Ali Bashi.
Ciyaartooyda Dixon FC ayaa aad ugu carooday rigoorahan iyagoo weliba rabay iney garoonka isga dareraan. Tababare Abdisamed ayaa intaa kadib intuu garoonka soo galay si weyn ula hadlay ciyaartooydiisa kuna qanciyay iney ciyaarta dhameystaan.
Runtii arrinta uu sameeyay tababaraha kooxda Dixon FC Abdisamed ayaa ah mid ku dayasho mudan waayo inta badan tababareyaasha marka kooxooda laga eexdo intii ay dejin lahayeen ciyaartooyda iyagaaba u horseeda iney garoonka isaga baxaan ama ay ku kacaan falal ka baxsan sportiga.
XIDDIGAHA 1-1 SOMALI WEEK

Ciyaarta finalka ka hor ayaa waxaa ciyaar saaxiibtinimo wada ciyaaray laba kooxood oo ka kooban ciyaartooyda cuslaatay.
Labdan kooxood ayaa waxaa kala hogaaminayay Burhan Yare iyo Cali Baba.
Ciyaartan oo ahayd mid aad u xiiso badan ayaa labaan kooxood oo ku ciyaaraayey magaca shabakadda xiddigaha.ca iyo Somali week ay isla dhaafi wayeen 1-1.
W/D Mohamed Busuri
mbusuri@xiddigaha.ca
|