• Xeritaanka Todobaadka Somali & Jabuti

Magaalada D’Jabuuti waxaa shalay ka dhacday munaasabad weyn oo si heer sare leh loo soo agaasimay, isla markaasina ku saabsaneyd xiritaanka tartanka toddobaadka ciyaaraha saaxibtinimo ee dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti.

Munaasabadda gunaanadka u ahayd ciyaaraha saaxibtinimada waxaa ka soo qeyb galay madax ka kala socotay dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti, gaar ahaan qeybaha Isboortiga, sida Wasiir K/Xigeenka Isboortiga dalka Jabuuti, Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee K/Koleyga Ibraahim Xuseen (Roombe), Xoghayaha Naadiga Isboortiga Dekedda Muqdisho iyo marti sharaf fara badan.

Sidoo kale waxaa iyana ka soo qeyb galay ciyaartoyda labada dal ee iyagu ka qeyb qaatay ciyaaraha saaxibtinimada dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti, Madaxa Warfaafinta Naadiga Isboortiga Dekedda Muqdisho Md. Jabriil M. Nuur (Jabra), hase yeeshee waxaa munaasabadda khudbad ka jeediyay madax kala duwan, kuwaasi oo iyagu cod qura ku caddeeyay xiriirka walaaltinimada labada dal.

Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee K/Koleyga Ibraahim Xuseen (Roombe) oo khudbad u jeedinayay ka qeyb galayaasha munaasabadda ayaa ammaan u jeediyay ciyaartoyda labada dal ee Soomaaliya iyo Jabuuti, isagoona sheegay in ciyaartoyda naadiga Dekedda Muqdisho ay halkaasi ka muujiyeen ciyaar wanaag, sidaasi daraadeedna waxa uu tilmaamay in dadaalkaasi dheer uu aabe u yahay Guddoomiyaha naadiga Isboortiga Dekedda Muqdisho Eng. Cabdi Jiinow Calasow.

Md. Axmed Maxamed Raqaba Guddoomiyaha Xiriirka K/Koleyga Jabuuti ayaa isna khudbad uu halkaasi ka jeediyay waxa uu sheegay in Soomaaliya oo burbursan awgeed, hadana marka la eego ciyaartoyda ka socota ee halkan joogta iyo ciyaarihii ay muujiyeen ay ku ammaanan yihiin maamulka, macallimiinta iyo ciyaartoyda oo iyagu soo bandhigay ciyaar wanaag.

Dhinaca kale madaxda iyagu halkaasi khudbadda ka jeediyay waxaa ka mid ahaa: C/Qani C/llaahi (Jeenyo) oo ah xiriiriyaha Isboortiga qaaradda, Mareykanka, Yurub, Aasiya iyo Afrika, wuxuuna Sheegay C/Qani Jeenyo in munaasabaddan ay astaan u tahay labada dal oo uu sheegay inay yihiin walaalo, isagoona sheegay inuu mahad celin u jeedinayo qabanqaabiyayaashii ciyaaraha toddobaadka saaxibtinimada Soomaaliya iyo Jabuuti oo uu sheegay inuu ka mid yahay C/raxmaan Xuseen Cabdi (Kolly) oo wakiil ka ahaa Maareeyaha Dekedda Muqdisho ahna Guddoomiyaha naadiga Isb. Dekedda Muqdisho.

Munaasabadda lagu xirayay toddobaadka saaxibtinimada Soomaaliya & Jabuuti ayaa waxaa koobab lagu guddoonsiiyay labada ciyaartooy ee ka qeyb qaatay ciyaarahaasi, waxaana sidoo kale qeybta labaad la guddoonsiiyay Bilado, halka madaxda hoggaamineysay wafdiga Isboorti ee hoggaaminayay ciyaartoyda naadiga Dekedda Muqdishana la guddoonsiiyay abaal marino kala duwan.

W/D Jabriil Mohamed Nur "Jabra"

 


 

 

Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line