• MFC Cup 2015 Oo Guul Ku Dhamaaday

Waxaa magaalada Toronto lagu qabtay tartan kubadda cagta ah oo loogu magac daray Muqdisho FC Summer Tournament 2015.

Tartkani ayaa waxaa kasoo qeybgalay dhowr kooxood oo isugu jira wiilal iyo gabdho

.

Sidoo kale waxaa kasoo qeybgalay Siyasiin, iyo dadweyne aad u tiro badan oo isugu jiray waalidiinta ciyaartooyda, taageerayaal iyo bahwenta sportiga ee Toronto.

Tartankani oo aad u xiiso badnaa ayaa koobkii U12 waxaa ku guuleysatay kooxda Xiddigaha iyadoo 3-0 kaga badisay MFC.

U14 waxaa la hooyatay kooxda STFC kadib markii ciyaarta finalka ay Xiddigaha kaga badisay 5-4 Rigooreyaal, iyagoo waqtigii loogu talo galay isla dhaafi waayey 2-2.

Dhanka gabdhaha: U12 waxaa ku guuleysatay BEIUL iyadoo 3-1 kaga badiya MFC.

U16 waxaa ku guuleysatay kooxda ISL kadib markii ay 3-1 kusoo maray SAWA.

U 18 MFC ayaa koobkii qaaday iyagoo 3-1 kaga adkaaday Weston Leons.




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line