• OHIO SPRING TOURNAMENT IYO AFRO-CAN SC OO KU GUULEYSTAY KOOBKII CARUURTA 12 JIRKA AH – 2012

     

Akhristayaalka qiimaha iyo qaayaha lahaoow waxaa bisha April 5 teedii , 2012 ka ambabaxay magaaladda Toronto ee dalkaasi Canada wafdi balaaran oo isugu jiray tababarayaal, maamul iyo ciyaartooy 20 ah oo 12 jiro ah lagana soo xulay naadiyadda HILAAC, HORSEED, HAMILTON  iyo DIXON FC oo dhamaantood ku midoobay AFRO-CAN SC.


Waxaa Ohio ku balansanaa kooxaha Afro-can SC U12, Nashville U12, Maine U12, iyo Ohio U12 oo martigalisey ciyaaraha. Ciyaartii kowaad waxaa maalintii Jimcaha ee bisha 6deedii fooda is daray labadda kooxood ee Afro-Can SC Toronto iyo Ohio waxaana si xarago leh 5-1 guushu ku raacday Kooxdii Afro-Can SC.


Kooxda Nashville ayaa iyana si fudud dhibcaha ugaga xayuubsatay Kooxdii Maine. Sabtidii ay taariikhdu ahayd 7da ayaa waxaa dhacday ciyaartii la wada sugayey ee Nashville U12iyo Afro-Can SC U12. Ciyaartani oo ahayd mid aad u adag oo caruurtu si adag u ciyaareen ayaa waxay guushu raacday kooxdii Afro-Can SC oo noqotay horyaalkii sannadka 2012. Waa markii ugu horeysay oo ay caruur sidaas u da’ yar oo Somali ah loo qabto ciyaaro noocan oo kale, waxaase ugu xiiso badnaa inay caruurtaani wakhtigooda intii badnayd ay dabaal iyo biyo ka dhex bixi waayeen iyadoo ay u qabeen xiiso badan.

Tababarayaashii iyo maamulkii waday caruurtan ayaa waxay ahayeen: Hassan Xarbi, Codka, Jamal Dirie, Omar Warsame, Ahmed Abshir, Eng. Abdisamed, Mukhtar Cutti,  Busuri, Dirie iyo Dahir Bodaye.


Waxaa la qorsheynayaa in qorshaha lagu daro U8, U10, U14 iyo U16 inuu gobol walba la soo shir tago kulamadda mustaqbalka.
Kooxda Nashville ayaa waxaa watay ciyaaryahankii weynaa ee Abdiaziz Ahmed Mahdi oo ka tirsanaan jiray naadigii kubadda cagta ee Muqdishu , waa khabiir ka mid ah kuwa ugu fiican qurba joogta wuxuuna caawiyaa ubadka Somaliyeed ee reer Nashville isaga oo u huray wakhtigiisa qaaliga ah.


Waxaa sidoo kale sannadkan ciyaaraha dhallinyarad da ee Ohio Spring Tournament ka soo qayb galay 16 koox oo ka kala socday goboladda kala duwan ee USA iyo Toronto. Ciyaartii kama dambeysta ahaydna waxay dhexmartay kooxaha Minesotta iyo Nashville waxayna guushu raacday oo horyaalka sannadkan noqotay kooxda Minesotta.
Waxaa kaloo ay halkaasi ciyaaro xiiso badan ay dhexmartay  cayaartooy cuslaatay oo sannad walba labba ciyaarood isaga horyimaadaan kooxda Washington DC oo sannadkan tabaabushe xoog leh soo gashay balse labaddii ciyaaroodba laga badiyey, halkaasna ay guushii ku raacday kooxda SOCDAAL ee Toronto. Ciyaartii kowaad waxay ku dhammatay 3-2 halka tii kala baxana lagu kala baxay 3-1 ay koobka Championshipka ay ku qaadatay kooxda SOCDAAL ee Toronto.


Waxaa muddan in la sheego inuu ciyaarta FINALKA ee ciyaartooyda cuslaatay uu garsoore ka ahaa Prime Minister kii hore ee Somaliya garsoore Farmaajo. Waxaa kaloo xusid mudan inay ciyaarahan ka soo qayb galeen macalimiintii  iyo ciyaartooydii hore ee qaranka Somaliyeed ee kubadda cagta iyo koleyga sida: Ibrahim Sudani, Abdulqadir Qariidi, Giftin, Abdula Hirsi Maine, Abdi Warsame, Mohamed farah dabdamis, Aweys Fundi, Mukhtar Cutti, Khalif Riko, Mohamed Haji Urey, Abdi Dheere, Dr. Ali Osman, Saciid Ducale, Idris, Shiikha, Abdulqadir Madaxay, Mohamud Isse, Caydiid Jenyo, Hassan Harbi, Eng. Abdisamed, Muslimiin, Abdulahi Morgan, Somaliyow, Caraale, Abdinasir Witig, Loolow, Cumarey Barbe, Faysal Khaldaan, Mataan, Careys, Hawo Hilowle, Ginni, Wiilo.


Waxaa iyana xusid mudan odayaashii Toronto oo kala ahaa: Bashi Ali, Hassan Cawle, Muse Abtiga, Abdikarim Codka, Osman Yashkirow, Abdihakim Ottawa, Dirie Bile
Waxaa ammaan iyo duco mudan ragii hawshan adag dhabarka u dhigtay sida Bashir Gelle, Mahad, Hassan Cawle, Dr. Abdiweli, Africa, Baqbaqaani iyo raga kale ee aan magacooda aanan haynin.

Waa kulankeena xiga oo  lagu balansan yahay Toronto.
Waa shabakadda xiddigaha.ca iyo Journalka Somali Canadian Times oo idin leh dadaal badan.

More Pics and Video coming soon




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line