• Usain Bolt oo Labeystey iyo Xulka Gabdhaha Usa oo 2-1 Ku Ambibixiyey Japan

 

London-Olympic-July10-2012-xiddigaha.ca-Asxaabtaay barnaamijkeena ciyaaraha waxaynu maanta ku indh-indheyneynaa sidaii loo kala badiyey 100 mitir ee wiilasha iyo xulalka gabdhaha Usa iyo kuwa Japan oo kala faraxalashey.

Haddaba haddii aynu soo qaadano 100-kii mitir ee wiilasha oo lagu kala baxay waxaana biladdii dahabka la caraabey ma cid kalaad fileysey dabcan waa Usain Bolt,waana markii labaad uu difaacdo 100-ka iyo 200 ee mitir.

waxaa kale oo xusid mudan in la xaaqey ciyaaryahanadii Mareykanka ee xaraanta ku haysanjirey orodkan markii kaalinta-1-aad-2-aad iyo seddexaadba ku guuleysteen fardaha reer Jameyka.
Akhyaartay haddii aynu jeleecno xagga xulalka gabdhaha ee kubadda cagta waxaa maanta ciyaartii finalka madaxa isla galey xulka Usa iyo kuwa Japan,ciyaartan oo runtii la wada sugayey ayaa garoonka weyn ee wembledon Stadium waxaa soo buuxiyey dadweyne kor u dhaafey 80,000.
Haddaba xulka gabdhaha Usa oo wali ka soo kabanla markii xulka gabdhaha Japan dhagaha ka garaaceen koobkii kubadda cagta ee kal hore ayaa kuwa Mareykanku si fiican isu soo diriyeen kuna hamimiyeen iney aar gutaan weyna u meel martey markii ay maanta 2-1 uga badiyeen kuwa Japan kuna guuleysteen biladda dahabka.

W-qorey Jaahuur
xiddigaha.ca Ottawa




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line