• Van Gaal Oo Heshiis La Galay Bayern Munich

BERLIN:- Tababaraha waaya araga ah ee kasoo jeeda dalka Holland Louis van Gaal ayaa la wareegaya xilka tababarenimo ee kooxda Bayern Munich marka uu dhamaado xilli ciyaareedkan gaba gabada ah kadib markii uu saxiixay heshiis laba sana ah oo uu kula joogi doono kooxda ka dhisan dalka Germany ee Bayern Munich.

Van Gaal,oo ah 57 jir caan ku ah farsamada lagu ciyaaro kuada cakta isla markaana horay usoo leyliyey kooxaha Ajax Amsterdam, Barcelona iyo xulka Qaranka Holland ayaa waxaa uu ka tagayaa kooxda AZ Alkmaar ee dalka Holland oo uu uqaaday asbuucii hore horyaalka dalkaasi.

"Aad ayaan ugu faraxsannahay in aan helno macallin leh waayo aragnimo baaxadn la eg isla markaana ah nin wata guulo fara badan"sidaa waxaa yiri gudoomiyaha kooxda Bayern Munich Karl-Heinz Rummenigge oo la hadlay boga internerka ee kooxda Bayern ee (www.fcbayern.de).

Van Gaal ayaa bedelaya macallinka KMG ah ee haatan wata kooxda ninka la yiraahdo Jupp Heynckes,kaasoo isna xilka kala wareegay tababarihi la eryey bishi hore ee Juergen Klinsmann.

W/D Mohamed Abdulle Hassan "Siidi"
Örebro - Sweden

 



 

 

Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line