• Xafladdii Columbus Day Soccer Tournament

Waxa magaaladda Virgina ee cariga Mareykanka lagu qabtay Tartamadii sandlahaa ahaa ee Kubada Cagta iyo Koleyga oo ay sanadkaani ka soo qeyb galeen Halyeeyo Isboortiga Soomaaliyeed caan ku ahaa soona daafacay Calanka Midabka san oo ay Soomaalidu leedahay,isla markaana weli ku dhex jira dhadhaqaaqa isboortiga ee Dalka Soomaaliyeed lagu hormarinaayo waxaana ka mid ahaa ka soo qeyb galayaasha Sanadkaani Dr. Cali Cusmaan,Aweys Fundi iyo Caydiid Jeenyo oo ka socday Guddiga Isboortiga ee Atlanta.

Sidoo kale waxaa iyaguna ka soo qeybgalay Maxamed Faarax Dabdamis,Mukhtaar Cuti,Dr. Yuusuf Shaqaaq,Xarbi, Cabdisamad Qasim,Abukar Shiino,Faarax oday,Axmadey B,Cabdiraxmaan Tacbaan iyo Busuri oo ah Tafatiraha Webka Xiddigaha.Com, oo dhamaantood ka socday Dalka Canada.

Waxa isna ka socday Dalka Ingriiska oo ka soo qeyb galay Mudane Axmednuur Maxamed Xaashi(Seyga Ruushka) Gudoomiyha Mideynta Qurbajoogta Isboortiga.

Mudane Cabdulaahi Nuur Kolombo oo uu qof kastaba ku xusuusanaayo daadihiintii Barnaamijkii Isboortiga ee raadiyo Muqdishu ka bixi jiray Waqtiyadii barisamaadkii ayaa isagana lagu sharfay inuu ka soo qeybgalo, isagoo ka socday Raadiyaha VODda.

Dhanka Virginia waxaan ka xusi karnaa Halyeeyadda kala ah Khaliif Riiko,Baaburi,Feysal Khaldaan.Jaamac Bahal,Soleymaan Abukar,Dr. Shukri Salxaan,Dayib Madaxa TVga Universal,Mudane Caraale oo ka tirsanaa Xulka Qaranka Soomaaliyeed ee Ciyaarha Fudud iyo Shiino Madoobe.

Bashiir Geele,Mahad,Afrikaano,Delbiero ayaa iyaguna ka socday Gudigeeda Isboortiga ee Ohio.

Waxaana sanadkaan Ciyaartii kama dambeysta ku loolamay Dhanka Dhalinta Cuslaatay Koox ka socotay Magaaladda Toronto ee dalka Canada iyo Koox ka socotay Washigton waxaana guushoi la hoyday Kooxdii Washigtoon,

Dhanka dhalinyaradda waxa Ciyaartiis kama dambeysta aheyd ku baratamay Koox ka socotay OHIO iyo Washigton waxaana Koobkii Guusha qaaday Kooxdii OHIO oo sanadkaan soo bandhigtay Ciyaar farsamadeedu ay sareyso halkaa oo ay ku soo jiiteen Taageero aad iyo u fara badan loona tumay sacab aad u badan.

Xafladii gabagabeynta ayaa waxaa ka hadlay Mudane Axmednuur Maxamed Xaashi oo ku magac dheer(Seyga Ruushka) oo ah Gudoomiyaha Mideynta Qurbajoogta Isboortiga.

Seyga Ruusha ayaa ugu horeyntii u mahadceliyey Guddigii lahaa qabanqaabadda oo runtii uu ku tilmaamay in ay dadaal badan muujiyeen, iyagoo awoodeen in intaan oo Halyeeyo ah ay isu keenaan, taa oo runtii ah mid aan la iloobi karin.

Seyga ayaa sidoo kale ku booriyey in Goboladda kale ee Mareykanka ay iyagana abaabulaan Tartamo kuwaan oo kale ah.

Mar uu ka hadlay ujeedada Safarkiisa oo ah in uu la kulmo dadkii Isboortiga Soomaaliyeed Magaca iyo Maamuska ku lahaa si looga wada hadlo sidii loo hormarin lahaa Isboortigeenu oo waayahaan ay la soo gudboonaatay dhibaato aad iyo aad u baaxad weyn.

Seyga Ruushka, ayaa sidoo kale sheegay in hadafka kale ee u socdo ay tahay in la mideeyo cududa Halgamayaashii Isboortiga oo qaarkood la dhex dhigay khilaafyo oo danta laga leeyahay ay tahay in aysan midoobin,waxaana uu Seyga Ruushka sheegay in isaga iyo gudigiisaba ay Albaab kastaba u garaacatyan in la mideeyo Cudududa Halyeeyadii Isboortiga oo haddi aanu ku guuleysano dadaalkaasi uu sameyn wanagsan ku yeelan doono horumarinta Isboortiga Soomaaliyeed oo aad moodo in uusan haynin jidkii saxda ahaa,.

Ugu dambeyntii wuxuu Seyga Ruushka u mahadceliyey Guddiga Isboortiga ee Atlanta iyo Guddiga Isboortiga ee Virginia oo uu muujiyey Kalsooni iyo in ay ku garab taaganyihiin dadaalkaas ku wajahan badbaainta Isboortiga Soomaaliyeed.

Intaa kadib waxaa xafladii gabagabeynta ka hadlay Dr. Cali Cusmaan cali Xoghayihii Guddiga Olympigadda Soomaaliyeed kana mid ah Halyeeyadda Isboortiga Soomaaliyeed ugu Taarikh dheer Kifaax badanna u soo galay Horumarinta Isboortiga Soomaaliyeed.

Dr. Cusmaan ayaa marka hore u mahadcelliyey Guddiga Isboortiaga ee Virgina oo runtii dadaal badan galay,waxaana uu amaan aan la koobi karin u jeediyey Gudoomiyaha Mideynta Qurbajoogta Isboortiga Mudane Axmednuur Seyga Ruushka iyo Gudigiisaba oo runtii shaqada ay hayaan ay tahay mid uu u baahanyahay Qaranka Soomaaliyeed gaar ahaan Isboortiga oo u baahan Badbaado dhan waliba leh,Dr. Cali Cusmaan waxa isagoo qiireysan sheegay in shucladda Isboortiga Soomaaliyeed uu soo qaaday bartamihii Lixdameyadii walina uu sido,waxaana aan cadeynayaa in uusan weli arag Gudi isku taxalujiya Mideynta Isboortiga taa oo uu yiri waa mid Taarikhda geli doona,waxaana aan hore ugu cadeynay Gudoomiye Seyga Ruushka in aanu si buuxda aanu u tageeri doono Gudigiisa iyado runta ay tahay in Isboortiga Soomaaliyeed maanta uu u baahanyahay Badbaado dhan kastaba leh,waxaan la khashan doona Dawladda iyo gudiyadda ku hawlan Isboortiga in taageero lala garab istaago Gudiga Mideynta Isboortiga,sidoo kale waxaan shacabka Soomaaliyeed ka codsaneynaa in ay garab siiyaan Gudigaasi siiba kuwa garanaayo Isboortiga,waxaana uu Dr. Cali Cusmaan ku soo gabagabeeyey in Isboortiga Soomaaliyeed aysan CIDNA U MAQNEYN CEELNA U QODNEYN.
Ugu dambeyntii waxa halkaa loogu duceeyey Cabdiraxmaan Tacbaan iyo Axmed Cabaas Busuri oo dhibaato caafimaad daro ay la soo derisatay,waxaan Ilaah looga baryey in uu siiyo caafimaad taam ah,waxayna xafladii ku soo dhamaatay si heer sare ah oo uu qof kastaba ka maqsuuday.

More pics coming soon

W/D Dr. Cali Cusmaan



Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line