| 
Mohamed Farah wuxuu ka mid ahaan jiray taageerayaashii waaweynaa ee Naadigii Cawo iyo Maalin ee Horseed wuxuuna hadda ku noolyahay cariga Mareykanka magaaladda Colombus Ohio. Wuxuu wali ku dhexjiraa taageeridda iyo dhiirigelinta ciyaaraha waxaanad markasta ka weyneynin goobaha ay tartamadda Soomaalidu ka dhacaan.
Haddaba akhristoow wuxuu sannadka soo roocay kooxda Ohio United si ay ugaga qeyb galaan tartanka la magac baxay North American Youth Challenge Cup. Waxaa kooxdan u ciyaara laba wiil oo uu dhalay lana kala yiraahdo Ismail M Farah oo ah inan goolhaye ah oo aad u dheer oo aan inaba ogoleyn in si fudud uu gool ugaga dhasho iyo inanka kale ee la yiraahdo Zakari a M Farah oo ka ciyaara baalka midig ee difaaca oo isagana aad moodid inuu leeyahay wallee si ciyaara ah kubbad ulama aad tageysid walaalkey, run ahaantii waa mintid!
Waxaa isna taageere ah oo garab cararaya aabihii inanka yar ee Shire M Farah, Maasha Allah dhammantood. Waxaan ummada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ku dhiirigelinaynaa inay ku daydaan waalidiinta ubadkooda ula safra meelaha wanaagsan.
W/D Mohamed Busuri
mbusuri@xiddigaha.ca
|


Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line
|
|