• Toronto oo markale dhulka lagu jiiday

 

Kooxda Washington Somali Stars (Virginia) , ayaa ku guuleystay koobkii Labor day ee lagu qabtay Washington DC, kadib markii ay si xarago leh uga badsay kooxda Toronto.

Kooxdani reer Washington ayaa sidoo kale koobkii Somali Week Toronto 2015 (Dhallinta cuslaatay) la hooyatay, iyadoo labadii kooxood ee reer Toronto dhulka ku wada jiiday.

Sidoo kale koobkii ugu dambeeyay ee lagu qabtay Ohio ayaa kooxda Washington ay ku guuleysatay, iyadoo sidoo kale Toronto cashar u dhigtay.

Haddaba su'aasha lees weydiinaya ayaa waxay tahay Ma Toronto ayaa awoodeeda hoos u dhacday misse Washington ayaa soo xoogeysaty tan iyo mariii Guddoomiyaha kooxda loo magacaabay SADIQ ?

Guddoomiye Sadiq oo ka jawaabay su'aashani ayaa yiri: " Waxaan ballan qaadayaa in intii aan aniga guddoomiye u ahay Washington aan sidan dhulka ugu jiidi doono Toronto"

Dhanka koobka dhallinyarada ee Labor day Virginia waxaa ku guuleysatay  Portland.




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line