• Washington Somali Stars waxba ma hambeyn sannadkan

Washington DC waxaa dhowaan lagu soo gabagabeeyay tartankii kubadda cagta ee Columbus Day 2014. Tartankan oo loogu magic daray DAAHIR GACAMAY ayaa waxaa ku looltamay kooxa ka kala socday Atalanta, Maine, Toronto, Boston iyo Washington DC.


Ciyaarahaas oo socday muddu saddax maalmood ah ayaa u kala qaybsanaa kuwa dhallinta da’da yare ay ku taratamaan iyo kuwa kale oo ay dhallinta cuslaatay ku looltamaan. Gabagabadiina ciyaarihii sannadkan oo idil waxaa guushii xaabsaday kooxdii Washington Somali Stars oo aanan waxba hambeyn haba yaraatee. Ciyaarahan waxaa ka horayay, ciyaaro kale oo Toronto hore loogu soo qabtay bishii August 2014, halkaaso guushii eey ku raacday Washington Somali Stars.


Ciyaartoodii ka soo qaybgashay ciyaarahan waxaa ciyaar wanaagii (Best Player of the Year 2014) ku guulaystay:
Cabdulqaadir Xasan Cadde(Caydiid Jeenyo) oo u ciyaarayay kooxda dallinta cuslaatay ee reer Atlanta ayaa si heer sare u ga dhax muuqday tartankaas halkaaso lagu gudoonsiiyay ciyaaryahanka sannada 2014.Waxaa kaloo muddan in la sheego in Caydiid uu ku soo laabtay Ciyaaraha kadib markuu in muddo ah uu kaga maqnaa dhaawac.


Zakaria Abdullahi Mire isaguna wuxuu ku guulaystay ciyaaryahanka dhallinta da’da yare ee 2014(best player of 2014). Zakaria iyo dhamaan ciyaartooydii kale ee ka socotay Maine oo uu hogaaminayo macallin Cabdulahi Xirsi, waxey la imaadeen ciyaar iyo anshax wanaag.

 



Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line