Home|
Kuddayasho iyo hambalyo waxaa leh Washington Somali Stars:.


Kuddayasho iyo hambalyo waxaa leh Washington Somali Stars:


Washington Somali Stars
(1983-2004)


P.O.Box 8001 Falls Church, VA. 22041 U.S.A
Tel: 703-920-6452, Fax: 703-998-2419
WashingtinStars@Comcast.net


Washington Somali Stars waxay soo shaacbaxday bishii July 1983 waana kooxdii Somaliyeed ee kubadda cagta ugu horeeysay ee Waqooyiga Ameerika laga dhiso. Ciyaartooydii ugu horaysay ee hirgalisay kooxda Washington waxaa ka mid ahaa: Abuukar Shaash, Cabdulahi Somaliyow, Xaaji, Saadaq, Nuure, Faisal, Jamaal, Marshaale, Khalif Riike, Cabdi Bile,Siciid Nur, Bileey, Mohamed Geedi, Shire, Xarbi, Aaxoow,Cabaas, Maxamed Khaasim, Nuuradiin,Taabo, Axmed Dhegawayne, iyo ciyaartooy kaloo faro badan.

Sagaashaneeyadii iyo wixii ka dambeeyana, waxaa ku soo biirey dhalinyaro badan oo eey ka mid yihiin Cabdulqadir Caraale, Muhktaar Macoow, Axmed Salaan, Cabdiqani, ciise,Hiirad,Mustaf Siraaji, Diino,Cali dhuux, Caydaruus, Saalim, Xassan Mire, Sheehk Calas, Liibaan iyo kuwa la mida ah.

Sidoo kale dumar badan ayaa Kooxda Washington Stars soo jiritaankeedii hiil iyo hooba u hibeeyey. Saynab Shaash iyo Nura Cabdi Buraleh ayaa lagu tilmaama iney yihiin hooyooyinkii kooxda waayo had jeer waxay soo ta’kuleen jireen kooxda ilaa iyo markii la beerey. Sidoo kale waxaa taageero badan siiyey kooxda, Nasra Xusien,Leymoon Sabriye, Rooda Xassan , Raxmo, Caasha Salaan, Naciima Darafeey, Hinda Caarif, Foos Axmed(Toronto).

Boston ayaa iyana koox kubadda cagta ka dhisantay 1985 kii oo la tartami jirtay Washington. Hase yeeshee Washingon Somali Stars inta badan waxay ka qayb gali jirtay Washington Metro International Tournament oo jaaliyadaha ajanibiga ah ee degin Washington DC ku baratami jireen. Kooxda Washington Stars laba sanno oo xiriir ah ayeey final kii timid (1987 & 1988).

1989 kii ayaa markii ugu horaysay, Kooxda Washington ka qaybagashay ciyaaraha Toronto ee dalka Kanada. Tan iyo 1989 kiina kooxda Washington Stars si joogto ah ayeey qayb libaax uga qaadataa tartanka Toronto halkasoo guulo tiro badan eey ka soo hooyisay.

1983-2004

Kooxda Somali Washington Stars waxay soo halgamaysay in ka badan 21 sannadood, welina sanad walbna sii xoogaysansa. Waxaa intaas u dheer sumcad wanaag iyo xushmad eey qeerkeed ku dhaaftay. Ka dib markii udbaha loo aasay, Kooxdu waxay soo martay marxalado aad u kala duwan isla markaana samaynayey horumar walaw uu horumarkaasi kala xawli badnaa hadba heerka iyo marxaladaha la soo marayey dhawr iyo labaatankii sannaddood ee la soo dhaafay. Asbaabaha ugu waawayn ee Kooxdo mudaadaas dheer ee 21 ka sanaddood u soo kifaaxdeyna waxaa ka mid ah :
Dustuur Caalami ah oo kooxda lagu maamulo. Ciyaartooy kastoo ku soo biira kooxdana laga doonayo inuu akhriyaa, fahmaa, sixiixaa kuna dhaqmaa qawaaniinta dustuurka ku qoran. Dhalinyaradoo lagu baraarujiyo manafacaadka ciyaaraha bulshada u leeyihiin.

Washington Somali Stars oo nasiib wanaag u heshay hogaan eey ka midyihiin ciyaartooy horey Somalia uga soo ciyaartay oo khibrad iyo waayo arragnimo ku haga kooxda. Laacibiintaas oo muruqooda, maalkooda iyo maankoodaba u hibeeyey kooxda waxaa ka mid ah Khaliif Riiko ( Dekedaha Xamar), Abuukar Shaash, Faisal Maxamed(Waggad), Cabdulahi Somaliyow( Dekeddaha, Kismayo), Saadaq(Gaadiidka) Cabulqadir Caraale ( ciyaaraha fudud, Horseed) etc.

Dhalinyaradaas oo qaarkood xulka kubadda cagta ee Somaliya u soo saftay, runtiina mar walbana ku jirto qiiro Soomaalinimo isla markaana talo iyo tusaaleba la garab taagan cayaaraha Soomaaliyeed meel kastaba ha ku sugnaadaanee. Waxay muujiyaan xil dheeraad ah iyo xusul duub ay wadaan laacibiintaas kor ku xusani, iyo hamuun u qab horumarka cayaaraha Soomaaliyeed. Dadaalkaasi inkastoo uu soo taxnaa oo welina halkaas eey ka sii miisayaan dadaal joogta ah iyo dhabar adayg, misna tirada dhalinyaradaas oo aan badnayn ayaa ku guulaytay in eey mudadaas rubuc qarni ku dhowaadka ah soo wadeen kooxda Washington Somali Stars.
Waxaan ku soo jarayaa maqaalkan, Washington Somali Stars ayaa mudan ku dayasho iyo hambalyo.


July 1985 Santoor(Tababare), Koombe, Abukar Shaash, Warfaa,
Somaliyow, Taabo, Libaan, Caato, Jeega Xiir , Nuure, Aaxow
Faysal, Xaaji iyo Labaatan.

Gudoomiye
Abdulahi A. Ahmed (Somaliyow)
Washington Somali Stars
Tel: 202-255-3046
WashingtinStars@Comcast.net