• Wasiirka Dh. Isboortiga:”Dhallaankeena aanu ku abaabino Isboortiga”

TENNESSE: Shir aad u ballaran ayaa lagu qabtay magaaladda Tennesse ee Cariga Mareykanka, taa oo ay ka soo qeyb galeen guddiyadda Isboortiga ee ka kala socday Magaaladda Atlanta oo ay ka socdeen Dr. Cali Cusmaan Cali, Aweys Muuse Arbow (Aweys Fundi), Cabdulqaadir Xasan Cadde (Caydiid Jeenyo) iyo Yusuf Marshaale, Guddiga Isboortiga ee Tennessee oo ay ka socdeen Cabdicasiis Axmed Mahdi iyo Cabdi

Cali, Guddiga Isboortiga ee Ohio oo uu ka socday Bashiir Geele oo khadka Teleefoonka uga qeyb galay, Guddiga Isboortiga ee Mineapolis oo ay ka socdeen Mudane Cabdi Cali (Gudoomiyaha Gudigaasi), Cabdulqaadir Xaaji Daahir (Tababaraha Xulka Kubadda Koleyga Soomaaliyeed) oo iyagana kaga qeyb galay khadka Teleefoonka, waxaa kaloo ka soo qeyb galay shirkaas taarikhi ah Guddoomiyaha Guddiga Ciyaaraha Fudud Mudane Cabdi Warsame Isaaq iyo Agaasimaha Gudigaasi Mudane Cali Baay.

Waxaana Shirkaasi ugu horeyntii ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Isboortiga iyo Dhalinyaradda Marwo Khadiijo Maxamed Diiriyee iyo Danjire Cabdiraxmaan Nuur Maxamed (Cabdiraxmaan Dinaari),Waxayna labaan mas`uul ay ka hadleen ahmiyadda uu Isboortiga u leeyahay bulshooyinka kala duwan, waxaana ay sheegeen in laga

helaayo Caafimaad buuxa,waxaana uu abuuraa jawi wada noolaasho, iyagoo cadeeyey Siyaasadda Dowladda midnimo Qaran in ay tahay in Isboortiga la gaarsiiyo min Gobol illa tuulo, laguna abaabiyo dhalaanka soo koraayo, waxayna cadeeyeen in uu Isboortigu yahay aalad lagu dhalin karo nabad ka aslaaxda goobaha ay colaadaha hareeyeen, waxayna ugu dambeyntii u mahadceliyeen shaqsiyaadkii ka dambeeyey xafladaan qiimaha leh, waxaana ugu dambeyntii Marwo Khadiijo ballaqaaday in ay gaarsiin doonto Madaxda sare ee dowladda dhaqdhaqaaqa caafimaadka qaba ee aad wadaan,waxayna ay arrintaasi ku muteysan doontaan qiimo aan la koobi karin ay Bulshadda Soomaaliyeed ay idin hayso,waxayna masuuliyiintaasi loo tumay sacab ay ku kasbadeen sida qiiradda leh ay uga qeyb galeen khadka Teleefoonka iyagoo kala joogo Sweden iyo Muqdishu Caasimadda Soomaaliya.

Waxaana sidoo kale Khadka Teleefoonka kaga qeyb galay isagoo jooga Magaalada DOHA Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta Mudane Saciid Maxamuud Nuur (Saciid Mugambe) isagoo marka hore u mahadceliyey Fursadaan qaaliga ah ee la siiyey. wuxuu uga warbixiyey hawlahii la soo qabtay mudadii ka dambeysay Doorashadii loo doortay in uu Hogaamiyo 4 sano ee soo socoto, Mudane Saciid isagoo qiireysan ayuu waxa uu yiri."Waad garan kartaan xaaladda uu maanta ku sugan yahay Dalka Soomaaliya iyo dadaalka biyo kama dhibcaanka ah aanu wadno, taa waxa nagu qasbaayo in aan Adduunweynaha tusno inay weli jirto Soomaaliya," isagoo khubaradda Isboorti ee shirkaas fadhiyey ka codsaday in aysan kala bakhiilin taladooda.

Sidoo kale waxaa shirkaasi hadalo ka soo jeediyey iyagoo kaga qeyb galay khadka Teleefoonka khubaradda Isboorti ee kala ah, Cabdi Cali Guddoomiyaha Isboortiga ee Mineapolis, Ibraahim Suudaani Macalinkii Xulka Qaranka Kubadda Cagta, Garsoore Caalami Maxamed Xasan Qolof, Aweys Muse Arbow(Aweys Fundi) Kooxdii Horseed iyo Xulkii Qaranka, Cabdulqaadir Sheekha [Tababaraha Xulka Qaran Kubadda Koleyga], Cabdulqaadir Xasan Cadde {Caydiid Jeenyo} iyo Gudoomiyaha Isboortiga ee OHIO Bashiir Gele, waxayna khubaradaan dhamaantood sheegeen in uu Isboortigu yahay waxyaabaha ugu wanagsan ee ka qeyb gala koritaanka Dhalaanka soo koraayo, waxaana uu ka badbaadiyaa waxyaabaha xun xunka ah, iyagoo dhamaantood u mahadceliyey guddiga Isboortiga ee Tenneese iyo waalidiinta oo runtii iska khaashaday arrintaani wanagsan oo saameyn wanaagsan ku yeelan doonto dhalaanka Soomaaliyeed.

Mudane Ron Davis oo ah Agaasimaha ATLANTA PLAN ayaa ka warbixiyey halka uu tiigsanaayo mashruucaan isaga ah."waxaana illa hadda Atlanta nagu soo booqday illa 7 Wasiir Isboorti oo daneynaayo in ay ka qeyb galaan barnaamijkaasi, wallow aanu gaarin halka aanu dooneyno, laakiin waxaan cagta saarnay jiidkii lagu gaari lahaa barta ugu dambeyso . Waxaan  mahadcelin aan la koobi karin u jeediyey Dr. Cali Cusmaan Cali Xoghayahii hore ee GOS oo runti aad iyo aad ugu mintida in saamiga ay Ummadda Soomaaliyeed leedahay aysan weynin." Ayuu yiri Ron Davis oo rajo wanagsan ka muujiyey hirgelinta Atlanta Plan. 

Gudoomiyaha Guddiga Ciyaaraha Fudud Mudane Cabdi Warsame Isaaq iyo Agaasimaha Guddigaasi Mudane Cali Baay oo ka soo qeyb galayaasha uga warbixiyey dhismaha Gudigaani iya waxyaabihii uu soo qabtay,iyagoo sheegeen in ay hore u soo mareen Atlanta,haddana ay ka qeyb galayaan Shirkaan qiimaha leh, waxaana ay sheegeen in ay mari doonaan dhamaan Goboladda Mareykanka inta Awooda saamaxdo si loo uruuriyo Ciyaartoy Soomaaliyeed ee ku fiican Ciyaaraha Fudud, waxayna shirkaani u rajeeyeen guul. 

Ugu dambeyntii waxa Shirkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Guddiga Isboortiga iyo dhaqanka ee Atlanta Mudane Dr. Cali Cusmaan Cali iyo Gudoomiyaha Gudiga Isboortiga ee Tennesse isla markaana ah Madaxa Farsamadda iyo Tababaradda MUdane Cabdicasiis Axmed Mahdi, waxaana labadaan mas'uul u mahadceliyeen dhamaan intii waqtigooda u hurtay ka soo qeyb galka shirkaan taarikhi ah, gaar ahaan Marwo Khadiijo Wasiirka Isboortiga, Danjire Diinaar,Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Mudane Saciid M. Nuur [Mugaanbe] iyo khubaradda Isboorti ee kala duwan, waxaana uu Cabdicasiis carabka ku adkeeyey in aysan marnaba ka caajisi doonaan ku barbaarinta dhalaanka ee qeybaha kala duwan ee Isboortiga, isagoo raaciyay  Gudoomiyaha Isboortiga ee Tennesse in uu leeyahay waalidiin la fahamtay shaqada uu hayo, taasoo u fududeyn doonto inuu ka jabad gaaro shaqadaan qiimaha leh, waxaana uu shirkii ku soo dhamaaday jawi aad iyo aad u sareeya.

W/D Said Ibrahim Hussein (BUUNA)




 





Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line