Djibouti:: Guddoomiyaha Guddiga Olambikada Soomaaliyeed Aadan xaaji yabaroow Wiish iyo xubno ka tirsan xiriirada hoos yimaada GOS ayaa waxay kormeer ku tageen xarunta uu ka socdo Tababarka Tababarayaasha Kubadda Gacanta Soomaaliyeed.
Ujeedada kormeerka Guddoomiyaha GOS ayaa macnaheedu ahayd sidii uu u ogaan lahaa siduu u socda howlaha Tababarka Tababarayaasha iyagoo la kulmay Guddoonka Xiriirka Kubadda Gacanta Macalinka Tababarka bixinayay iyo Tababarayaaasha .
Ugu horeyn waxaa warbixin qaabka Tababarka u soconayo ka warbixiyay Guddoomiyaha XSKG Maxamed Xuurshe Xasan [Eenoow] wuxuu tibaaxay in tababarkan inuu yahay mid si wanaagsan ku socdo isla markaasna uu bixinayo Khabiirka H. P. Thumm oo ah Macalin ka socda IHF [IHF Instructor] iyadoo Casharada ay tababarayaashu qaataan gelinka hore gelinka danbe {Theory - Practical} wuxuuna u mahadceliyay GOS ,Olympic Solidarity iyo Dowladda jabuuti oo gacan weyn ka gaystay hirgelinta Tababarkan.
Guddoomiyaha Guddiga Olambikada Soomaaliyeed Aadan Xaaji Yabaroow {Wiish] ayaa ammaan u soo jeediyay Xiriirka Kubadda Gacanta,Tababarayaasha iyo Khabiirka Casharada bixinaya wuxuu ku nuuxnuuxsaday inuu aad ugu faraxsan yahay in uu arko dadaalka GOS oo laga miro dhalinayo ,wuxuuna kula dardaarmay in si hagaagsan looga fa`deysto casharada khabiirka Thumm isagoo ugu danbayn u mahadceliyay dowladda Jabuuti.
Sidoo kale waxaa halkaas ka hadlay khabiirka bixinaya tababarka Tababarayasha Kubadda Gacanta Hans Peter Thumm wuxuuna ku dheeraaday sida wacan ee tababarku u socda wuxuuna ku amaanay tababarayaasha sida dhago nugaylk leh ee ay tababarkooda u qataan wuxuu tibaaxay in Africa uu mudo badan soo tabarayay balse Tababarayaasha Soomaaliyeed ay yahiin kuwii ugu wanaagsanaa ee uu arkay inta tababarka afrika uu ku jiray.
Ugu danbayntii waxaa Booqashadan Guddoomiyaha GOS ku wehliyay Xoghayaha Guud XSKC C/qani Saciid Carab iyo Xasan Maxamed Cali [Xasan Diratore] , iwaxaana goob jog ka ahaa Kaaliyaha Xoghayaha Guud XSKK ahna Xiriiriyaha Guud ee Tababarka Tababarayaasha Cabdi Cabdulle Baasaale . W/D Said Ibrahim "buuna"
|
Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line
|