Home|


Winsor Iyo Toronto Oo Isugu Tagay Maxaad Ka Filan?

Labdaas kooxood ayaa u tashaday kooxda Rochester N.Y oo casimaad u fidiyay inay ku kulmaan garoonka dedan ee Windsor habeenkii sabtida ee bishu ahayd 3da february 2007. Haddaba ciyaartaas ayaa waxay u dhacday si aad u xiiso leh oo dadwaynihii badnaa oo isugu yimi raali gelisay. Windsor ayaa waxaa ka maqnaa khadkii dhexe dhamaantood sida laacibiinta Yaasir(dhaawac), Maxamuud(immigration) iyo Faragaab oo iyagu safar ku maqan. Haddaba Yaasir ayaa ciyaarta ka ahaa Tababare maadaama uusan ciyaari karin, oo dhowaantaan qalniin lagu sameeyay. Tababare Yaasir ayaa waxaa dhib wayn ka qabsaday sidii uu ukala safi lahaa ciyaartooyga windsor iyo Toronto oo hal dhinac kasoo wada jeeday. Haddaba isagoo xeeladiisa iyo khibraddiisa wayn isticmaalaya, ayuu si dheeli tiran garoonka u geliyay laacibiin labada dhinacba ah. Dhinaca Tortonto ayaa waxaa ka socday laacibka xiddiga ah Cali baashi, Maxamed yare( windsor ), Maxamed ( ethiopia ),Canshuur iyo laacib kale oo magaciisa aan hilmaan sanahay, oo isagu dhaawac ku gaaray ciyaarta gelinkeedii hore. Dhinaca Windsor waxaa ka socday : Yusuf Jihad, Yasin Osman, Xuseen Sudani, Benjamiin(xiin finiin looga yaqaan toronto ), Maxamed Deeq, Abdirahmaan, Abdifataax iyo Farxaan oo goolhaye ahaa.
  Ciyaarta ayaa gelinkii hore kooxda windsor 3-1 si degdeg ah ugaga naxsatay Rochester, laba gool waxaa xireeyay Binjamiin halkalena waxaa ku daray xuseen , wax yaar kaddib ayaa Yusuf Jihaad gool cajiib ah oo u dhigma kuwa caalamiga ka xireeyay Rochestar, laakiin daqiiqado kadib ayaa Gooliga windsor Farxaan si khalad ah kubadda ugu baasay difaaca, halkaas oo Rochestar dhexda ka daftay goolkii labaadna ku xiraysay, Rochester sidaas kuma aamusine laba goo loo shuud ah ayay Windsor candhada u gelisay, gelinkii hore ayaa 4-4 ku dhamaaday. Yaasir oo intii hore laacibka Cali baashi horay ka ciyaarsiinayay, ayaa markii sheekadu xumaatay, isaga iyo Cashuur is barbar dhigay gelinkii dambe, taasoo sababtay in windsor difaaceedu adkaado,sidoo kale Yaasiin iyo Yusuf Jihaad ayuu dhexda isugu geeyay kuwaas oo khalkhal geliyay difaacii Rochester. Cabdiraxmaan yare iyo Maxamed Ethipia ayaa iyagu sidii diinamadii garoonka ugu xawaaraynayey naftana u keenay reer Rochester . taasoo sababtay in Windsor ku hormarto 3 gool oo kale 7-4. Goolashaas oo ay qayb sadeen , xuseen sudani, Maxamed Ethipia iyo Abdirahman yare. Rochestar ayaa hadiyad cusub ka heshay farxaan, kaddib markuu gool kale  si khalad ah u baasay, 7-5, weerar culus ayay soo qaadeen rochester, laakiin Farxaan ayaa gool hubaal ah si fiican isaga caabiyay, iyadoo daqiiqadii ugu dambaysay lagu jiro ayaa Cabdifataax u xireeyay Rochester goolkoodii lixaad, halkaas ayaa ciyaarrtii kusoo gabagaboowday 7-6, oo Wind-Tor ayaa guushii raacday.
Laacibka Maxamed deeq oo lagu yiqiin alamiinto siyaado ah , ayaad u malaysaa inuusan u ciyaarin sidii lagu yiqiin oo aan filayo inay sababtay dhaawac uu horay u qabay. Laacibiinta Cabdifataax ( windsor ), Xuseen Sudani iyo Cabdiraxmaan ayaa kulligood dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen ciyaartaas. Rochester oo ciyaar wanaag muujisay ayaa waxaa ugu cadcadaa cabdifataax oo horay ka ciyaarayay, iyo Yugoslavian dhexda uga ciyaarayay, iyo Xuseen Baajuun oo isagu difaaca u taagnaa. Kooxda Windsor ayaa iyagana waxaa aad u cadcadaa Cabdiraxmaan yare, Maxamed Ethopia iyo Cali Baashi..... Goordhoow ayaan soo gudbin doonaa sawirraddi laga qaaday labada kooxood.
Ciyaarta waxaa garsoore ka ahaa Axmed Shangahaay , maamulkuna wuxuu ahaa Nuur Roble, Almatary dhanka windsor halka Aden uu ka socday dhanka Toronto . Waxaa xusid mudan Laacibka Cali Baashi oo aan marnaba laga adkaan isagoo ka dhinac ciyaaraya ciyaartooyga Windsor , ilaa iyo haddana rikoorkiisu waa 6 guulood iyo "0" khasaaro.
 
By: Ahmed Al-AMatary Windsor