• Windsor Oo Dhulka Ku Jiiday Toronto

Waxaa garoonka Soccer City ee magaalada Toronto, lagu qabtay ciyaar ay isaga hor yimadeen kooxda Windsor iyo Toronto.

Kooxda Windsor ayaa waxaa tababare u ahaa Nuur Rooble, isagoo welibana ka mid ahaa ciyaartooyda kooxda. Dhanka Toronto waxaa tababare u ahaa Coach Xalane Shiidle "Mourinho" oo qaab ciyareedka kooxdiisa si weyn ula socday, isagoo intii ay ciyaarta socotay hadba dib u habeen ku sameynaayey

Ciyaartan oo aad u xiiso badnayd ayaa waxaa 10-8 ay guusha ku raacday kooxda Windsor.

Gabagabadii ciyaarta ayaa xiddigii hore ee kooxda Batrooka iyo xulka qaranka Mukhtar Maxamed Axmed "Mukhtar Cuti" uu koobkii gudoon siiyay kabtanka kooxda Xuseen Faragaab

.

Sidoo kale xiddigii kooxda k/koleyga ee Muqdisho Xaaji Axmed Abukar "Axmadeey B" ayaa isagana koobkii MVP guddoonsiiyay ciyaartoygii lambakra 18 u sitay kooxda Windsor.

Guddiga qaban qaabada ciyaartani ayaa waxaa hogaaminaayey Faris Charles oo ah kabtanka iyo tababaraha kooxda ciyaartooyda cuslaatay ee Banadir.

Haddaba dhamaadkii ciyaartan oo aan wareysi kooban la yeelanay Faris ayaa ugu horeyntii aad ugu mahadceliyay kooxda Windsor oo ay hogaaminayeen Axmed Al-Matary, Xuseen Faragaab, Nuur Rooble iyo Maxamuud Immigration oo isaga kasoo cudur daartay inuu yimaado Toronto.

Sidoo kale Faris wuxuu u mahadceliyay Tababaraha kooxda Toronto Xalane Shiidle oo si weyn isaga xilsaaray sidii ay ciyaartani ugu soo gaba gaboobi lahayd jawi qurxoon.

Ugu dambeyntii Faris wuxuu aad ugu mahadceliyay dhamaan dadkii ka soo qeybgalay daawashada ciyaartani gaar ahaa ciyaartooydii hore sida: Mukhtr Cuti, Trumbo, Faarax Oday, Axmadeey B, Eng. Yusuf Dheere,Taliye Bashir Xiis, Cabdullahi Yusuf iyo kuwii kasoo cudur daartay sida: Oday Mursal, Cali Gurey, Cantar Jeenyo, Xassan Xarbi, Eng. Cabdisamed Sh. Qasim, Dahir Boodaye iyo Guddoomiye Bilaajo.

W/D Mohamed Busuri

Sawir Qaade: Mohamed Ganey

 



Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line