• Wiish & Mugabe Cup oo lugu qabtay Gaalkacyo

Tartan kubadda cagta ah oo lugu xasuusano rabbi ha u naxariste halyeeyadi Isboortis ee dalka guddoomiyihi hore ee Olympics Soomaaliya Adan Xaji Yabarow Wiish iyo guddoomiyihi xirirka kubadda cagta Soomaaliya Saciid Mugabe ayaa lugu qabtay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Allaha u naxariste Wiish iyo Mugabe oo ahaa hal doorka isboortis ee dalka,waxaana qaraxii ka dhacay tiyaatarka qaranka 4-bishii April sannadkii 2012 ay ku geryooden magaalada Muqdisho,waxaana lugu xasuusta halgankii ay ugu jireen hormarinta ciyaaradaha Soomaaliya.

Munaasabad lugu xasuusaya oo u soo qaban-qaabiyey guddoomiyaha kooxda kubadda cagta ee Comsed,Cabdiqani Khaliif Carabey ayaa waxaa uu ku qabtay Gaalkacyo,waxaana munaasabada la xiriira ka qeyb-galay labo
kooxod oo ka dhisan gobolka Mudug.

Tartan ciyaaredka kubada cagta ee lugu xasuusanayey madaxdi Isboortis ee dalka,ayaa waxaa dahfurkii hadal ka jeediyey guddoomiye Carabed oo si dheer dhallinyaradi tartanka ka qeybgalaysa ugu sharaxay halgalkii ay soo galeen Wiish iyo Mugabe ,isagoona u xaqiijiyey inay ka tageen taarikh dheer oo mudan in dib loo xasuusi jilka yar yar.

"Waxaan xasuusanayna halgamayaashi isboortis ee dalka,runti waxaa la xasuusan yahay dhabar adeegi ay usoo maren sidi ay isboortiska dalka u garsiin lahaa yen halka uu xilligaan joga,caqabado badan ayaa hor yimid xilligaan balse waxaa ay ku dadaalen hormarinta isboortiska dalka,"ayuu yiri Cabdiqani Carabey oo munaasabada soo qaban-qabaiyey.

Ciyaarta xasuusta ahaayed ayaa waxaa ka qeyb-galay labada kooxod ee kala ah New Star iyo kooxda kale ee Nation,waxaana ay guusha racday kooxda New Star oo ku badisay lug kulaad,waxaana ay kala heleen 5-4 waxaana halka koobkii maamuska ahaa ku guddoomay kooxda New Star.

Tartamaha lugu xasuusanayo Wiish iyo Mugabe ayaa dhowr mar waxaa magaalada Gaalkacyo ku qabtay guddoomiyaha kooxda Camsed Cabdiqani Carabay,waxaana uu sheegay marwalba inuu dadaal u gali doono sidii loo
xasuusan laha doorki ay madaxdi hore ka qaaten hormarinta ciyaarada
dalka.

 



Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line