• Soo dhaweyn UK loogu sameeyay Ciyaarahanadii hore ee K/Koleyga Xaawo Kiin

Waxaa waqooyiga Magaalada London ee cariga dalka Britian soo dhaweyn aad u sareesa loogu sameeyay Xaawo Mohamed Abdulle (Xaawo Kiin) oo ka mid aheyd Ciyaar-yahanadii hore ee kubada Koleyga dalkeena,

isla markaana ah Hooyada dhashay Gabadha Xulka Qaranka Kubada Koleyga dalkeena u ciyaarta ee Naciima Axmed Muuse.


Xaawo Kiin oo ka timid dalka Germany ayaa waxaa Casho sharaf aad loosoo agaasimay dalka UK ugu sameeyay qaar ka mid ah jaaliyada Isboortiga dalka UK, oo intooda badan u badnaa Bahda Kubada Koleyga oo isugu jiray Macalimiin hore Ciyaartoy Hore iyo Mas,uuliyiin Isboorti.


Casho Sharafta lagu soo dhaweenayay Ciyaartoydii hore ee Kubada Koleyga Dalkeena, ahna Maamo dhashay gabar u ciyaarta Qaranka kubada Koleyga dalkeena Soomaaliya, ayaa waxaa goob jooga ka ahaa Madaxa suuq-geynta FIBA AFRICA ahna La Taliyaha Wasaarada Isboortiga Dowlada Federalka KMG ee Soomaaliya, Eng. Baana Abdalla Ali.


Macalinkii hore ee xulka Qaranka Gabdha Kubada Koleyga Dalkeena, Shiine Guhaad ayaa hadalo soo dhaweyn ah kulankaasi ka jeediyay, asigoona ku dheeraaday Taariikhda gabdhaha Kubada Koleyga Dalkeena Soomaaliya, waxa uuna Amaan u jeediyay Ciyaaryahanadii hore ee dalkeena Xaawo Kiin oo xilligaan soo bar baarisay gabar ka mid ah Qaranka Gabdhaha K/Koleyga.


Munaasabada ayaa waxaa sidoo kale Hadalo koob-kooban ka jeediyay Gudomiye kuxigeenka XSKK Cabdulqadir Geedi, Eng Baana, iyo Ciyaar-yahanadii Kubada Koleyga dalkeena Miski Omar, oo iyadu ku hadashay Magaca Gabdhaha Kubada Koleyga ee Beri-samaadka.


Ugu danbeyntii waxaa Munaasabadaasi ka hadashay Hadalo Qiimo badan iyo Mahad naq ka jeedisay Xaawo Mohamed Abdulle (Xaawo Kiin), oo Amaan u jeedisay bahda Kubada Koleyga ee ku nool dalka UK, sida ay ugu soo dhaweeyeen Magaalada London.


Waxa ay Xaawo xustay in ay dhankeeda juhdi badan iyo dadaal dheeri ah sii gelineeso si ay Gabadheeda ugu sii qeyb qaadan laheyd Difaaca Calanka Soomaaliyeed, isla markaana ay balan qaaday in ay had iyo jeer diyaar u tahay sidii ay ugu qeyb qaadan laheyd Tartamada kala gedisan ee Ciyaaraha Kubada Koleyga.


Xaawo Kiin ayaa ah Hooyada dhashay Naciima Axmed Muuse oo iyadu wacdaro ka dhigtay Ciyaarihii Jaamacada Carabta ee xulka Gabdhaha Qaranka Kubada Koleyga Soomaaliyeed Guulo wax ku ool ah ay kasoo hoyeen.


Casho Sharaftaan London loogu sameeyay Hooyada dhashay Naciima Axmed Muuse ayaa waxaa ka horeeyay Xaflad kale oo dalka UK loogu sameeyay Ciyaaryahanad Manaal iyo Hooyadeeda Shukri Dalbaas.

Salah Hassan Omer [Salah Dheere]

Email : s.dheere@hotmail.com







Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line