• Xafladdii Xiritaanka Ee Dixon FC Ee Qaboobaha - Toronto

Waxaa xaflad xiritaan oo si heer sare ah loo soo agaasimay loo sameeyay caruurta yaryar ee lagu barbaariyo Naadiga Dixon FC. Waxaa xafladda lagu dhigay Kipling Collegiate Institute (KCI).

Waxaa xafladaas joogay dhammaan waalidiinta caruurta oo aad wajigooda ka dheehanaysay farxad iyo reynreyn.
Waxaa kaloo ka soo qayb galay xafladaas marti sharaf kale sida Cumar Gumbe oo ah madaxa shirkadda hudhud CALLING CARDS " THE FREEDOM TO SPEAK", Farax Oday oo ah madaxa TODAY.

Waxaa kaloo xusid mudan inay xafladan ka soo qayb galeen labadda TRUSTEE ee kala ah John Hastings (WARD 1) iyo Chris Glover (WARD 2) oo aad ugu dhiirigaliyey caruurta xaga waxbarashadda.

Naadiga Dixon FC wuxuu mahad badan u celinayaa waalidiinta, maamulka iyo tababarayaasha naadiga oo kala ah: Kamaal Dhere, Mukhtar Cutti, Dirie, Abdikarim Codka, Mohamed Tuke, Mohamed Skelaje, Ali Mohamed (Jiis) iyo Eng. Abdisamed. Wuxuu naadigu ku wargalinayaa waalidiinta in xilliga kuleylaha dib loogu noqonayo SEE school.

Waxaa si gaar ah loogu mahadcelinayaa Mohamed Busuri, website-ka www.xiddigaha.ca, iyo Somali Canadian Times oo had jeer u taagan horumarinta Sports ka.

 




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line