• Xiddigaha iyo Bakri Media Oo Guul La Hooyday

Waxaa Garoonka Soccer City ee Magaalada Toronto si qurxoon uga socda koobkii la magac baxay Nabadda Cup.

Ciyaarihii ugu dambeeyay ayaa kooxaha waxay isu arkeen sida tan:

Xiddigaha 2-0 Amin Arts Team

Ciyaarta 1aad waxaa wada ciyaaray kooxda xiddigaha iyo Amin Arts team. Labadan kooxood ayaa soo bandhigay ciyaar ay aad ugu riyaqeen dadweynihii usoo daawashada tagay.

Wixii hadba koox la weerara ugu dambeyntii kooxda Xiddigaha ayaa 2-0 ay guusha ku raacday.

Labada gool ee Xiddigaha waxaa ukala saxiixay Kabtanka kooxda Deeq Xalane iyo Laacibka sannadka Cabdikarim Khaatumo.

Horseed 5-6 Bakri Media

Kullankii labaad ee tartankani ayaa waxaa wada ciyaaray kooxda Bakri Media iyo Horseed. Labadan kooxood ayaa si weyn isu weeraray iyagoo goolal badan iska dhaliyay.

Ugu dambeyntii kooxda Bakri Media ayaa 6-5 ku badisay. Seddax ka mid ah goolasha waxaa u dhaliyay Burhan Yare, Cabdilatiif ayaa isaga 2 gool dhaliyay, Faarax (Del Piero) isagana hal gool ayuu shabaqa ku hubsaday.

Dhanka Horseed 5tii gool laba ka mid ah waxaa u dhaliyay Khadar, min hal goolna waxaa kala dhaliyay Cago Weyne,, Liban Gacmey iyo Januni.

W/D Mohamed Busuri
mbusuri@xiddigaha.ca

 



Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line