• Xiddigaha Champions 2013

 

Waxaa magaalda Toronto lagu soo gaba-gabeeyay tartan kubadda cagta ah ee ciyaartooyda soo koreysa.

Tartankan oo loogu magac daray March break Cup, ayaa waxaa ciyaarta semi finalka isgu soo haray kooxda xiddigaha, Wamo, Istar iyo Kipling.

Ciyaartii kowaad waxay dhex martay Xiddigaha iyo Istar. Ciyaartan oo aad u xiiso badnayd ayaa 5-2 ay guusha ku raacday Xiddigaha.

Ciyaartii labaad ee semi-finalka ayaa waxaa foodda is daray kooxda Wamo iyo Kipling.

Wamo ayaa 4-3 ay guusha ku raacday sidaana ugu soo gudubtay finalka.

Ciyaarti finalka oo la wada sugayey ayaa waxaa wada ciyaaray Xiddigaha iyo Wamo.

Qeybtii hore ee ciyaartan ayaa labada kooxood waxay ku kala nasteen 1-1. Qeybtii labaad ee ciyaarta markii leesugu soo laabtay ayaa Wamo ay gool labaad halkaasi ka dhalisay.

 

Xiddigaha ayaa weerar aan kala go' lahayn ku qaaday goolka Wamo ugu dambeyntiina goolkii bar bar dhaca hallkaasi ka dhalisay.

Daqiiqadihii loogu talo galay ciyaartan ayaa labadan kooxood isla dhaafi wayeen 2-2.

Intaa ka dib Rigooreyaal (Penalties) ayaa loo dhigay si midkooda ay guusha u raacdo .

Kooxda ku ciyaareysay magaca shabakadda xiddigaha ayaa Rigooreyaashan ay guusha ku raacday sidaan ay kula hoyatay koobkii.

Tartanka dhaliyeyaasha waxaa ku guuleystay Yasir Mohamed Bakari oo dhaliyay 21 gool. MVP waxaa loo magacaabay Loyan Shariif. Dhanka adaabta waxaa koob la siiyay Omar Abdi Khalif

Dhamaan sawiradii oo dhan la soco goor dhow

W/D Mohamed Busuri
mbusuri@xiddigaha.ca

 




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line