• Hilac Oo Mar Labaad U Qubeysay Dixon Iyo Xiddigaha Oo La Hooyatay Istar Cup 2012

Hilac 3-2 Dixon

Istar Cup 2012: Waxaa ciyaar aad u xiiso badan isaga hor yimid kooxda Hilac iyo Dixon.

Ciyaartan oo ku bilaabantay jawi qurxoon ayaa goolkii ugu horeeyay waxaa halkaasi ka dhalisay kooxda Dixon.

Wax xogaa kadib ayaa ciyaartooyda kooxda Hilac ay si fiican saanta isula heleen iyagoo iska soo guddy goolkii lagu lahaa.

Goolkaasi kadib ayaa kooxda ciyaartooyda Hilac ay sii waday weerarkii ay ku hayeen Dixon iyagoo haddana u labeeyay.

Dixon ayaa markeedi hurdada ka toostay, halkaana ka dhalisay goolkii bar bardhaca.

Markii ay ciyaartu noqotay 2-2, ayaa Hilac ay goolka Dixon ku qaaday weerar aan kala go' lahayn. Ugu damabeyntii waxay halkaasi ka dhaliyeen goolkii 3aad oo ay guusha ku raacday.

7da dhibic ee ay Hilac leedahay 6 ka mid ah waxay ka soo aruursatay Dixon iyadoo labadii kullanba wareegii kowaad iyo kii labaad (Andata/Rirorno) ka badisay.

Xiddigaha oo la hooyatat Istar Cup

Kooxda Xiddigaha ayaa ku guuleysatay Istar Cup iyadoo dhamaadka ciyaaraha ay ka harsan yihiin hal kullan.

Horseed oo hore u wadatay 3 dhibcood iyo Xiddigaha oo lahayd 10 dhibcood ayaa foodd is daray.

Wixii hadba koox gool laga dhaliya ugu dambeyntii 5-4 ayaa waxay guusha ku raacday .

Inkastoo tartankii ciyaarahan ay weli ka harsan yihiin hal kullan, haddana Xiddigaha oo leh 13 dhibcood ayaa ku guuleysatay koobkani, kol haddii aan la soo gaari karin.

TEAM GP W D L GF GA PTS
Xiddigaha 5 4 1 0 29 20 13
Hilac 5 2 1 2 15 16 7
Dixon 5 2 0 3 14 14 6
Horseed 5 1 0 4 20 26 3

Is araga 1aad (Andata)

Date Time Match
Oct.17,2012 7:30 pm Xiddigaha 5-5 Hilac
  8:30 pm Dixon 4-3 Horseed
Date Time Match
Oct.24,2012 7:30 pm Xiddigaha 10-7 Horseed
  8:30 pm Dixon 1-2 Hilac
Date Time Match
Oct.31,2012 7:30 pm Horseed 3-2 Hilac
  8:30 pm Dixon 3-4 Xiddigaha

Is araga 2aad (Ritorno)

Date Time Match
Nov.07,2012 7:30 pm Dixon 4-2 Horseed
  8:30 pm Hilac 3-5 Xiddigaha
Date Time Match
Nov.14,2012 7:30 pm Hilac 3-2 Dixon
  8:30 pm Xiddigaha 5-4 Horseed
Date Time Match
Nov.21,2012 7:30 pm Dixon V Xiddigaha
  8:30 pm Hilac V Horseed




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line