• Xiddigaha Oo Dhulka Ku Jiiday Washington DC

     

Kooxda Xiddigaha ee reer Toronto ayaa ku guuleystay koobkii lagu qabtay magaalada Washington ee dalka Mareykanka.

Koobkan ayaa waxaa loogu magac daray ciyaartooygii kooxda Jeenyo iyo xulka qaranka Shariif Xamza.

Ciyaartii kama dambeynta ayaa waxaa isaga hor yimid kooxda xiddigaha oo hore 2-0 ku soo dhaafay Somali Stars Washingto D C iyo All Stars Washingto DC oo iyaduna 2-0 kaga soo taqalustay Atlanta.

Ciyaartan oo jawi qurxoon ku bilaabantay ayaa waxaa goolka ku hormartay kooxda Xiddigaha.

Qeybtii hore ee ciyaarta waxaa lagu kala nastay kooxda Xiddigaha oo 1-0 ku hogaamineysa.

Qebytii labaad ayaa kooxda All Stars Washington ay weerar aan kala go' lahayn ku soo qadeen goolka xiddigaha iyagoo halkaasi ka dhaliyay goolkii bar bar dhaca.

Markii ay ciyaartu ka harsaneyd 5 daqiiqo oo keliya ayaa gool lama filaan ah uu Cadeey u saxiixay kooxdiisa Xiddigaha.

Inkastoo ay Caraale iyo kooxdiisa ay isku dayeen iney iska soo gudaan gookani haddana wey u suurta geliweyday, ciyaartana waxay ku dhamaatay 2-1 oo ay guusha ku raacday kooxda Xiddigaha.

Koobka Sharif Xamza ayaa Xaaji Macow gudonsiiyay kabtanka koooxda Xiddigaha Xassan Xarbi oo ahaa ciyaartooygii iyo kabtankii kooxda Cawo iyo Maalin Horseed.

Koobka MVP waxaa ku guuleystay goolhayaha kooxda Xiddigaha Salmam Sadiq.

Kooba Dhallinyarada

Dhanka kooxaha dhallinyarada waxaa koobkii ku guuleystay koooxda Washington DC iyagoo ciyaartii finalka 3-1 ku kala diray kooxda Ohio.

Kubadda Koleyga

Sidoo kale waxaa ciyaar saaxiibtinimo isaga hor yimid kooxda Washington DC ee kubadda koleyga iyo koox iyadu ka kooban Minnesota iyo Toronto. Guushana waxay raacday kooxda Minnesota iyo Toronto ee u hogaaminayey Macallim Shiikha.

W/D Mohamed Busuri
mbusuri@xiddigaha.ca




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line