• RUUG CADAAGII SOO ROGAAL CELIS

Akhristoow sideedaba ma ogtahay inay biraha qaarkood daxalaystaan mase ogtahay in nooluhuna uu gaboobo gaarana da' uu xataa jirkiisa qaadi kari waayo.

Waayahan dambe waxay dhakhaatiirtu aadamaha u qoraan gucle iyo orod iyo inay rogaan taayaradooda.

Hawl la qabtaa tii ay doontaba ha ahaatee waxaa ugu fiican midda wadajir loo qabto, kubadda cagta waa tusaale fiican oo loo soo qaadan karo hawl wadareed guul lagu doono.

Haddaba waxaa garoonka indoorka ee Dugsiga Dixon Grove JMS ku balamay rag horay u jeclaan jiray inay ciyaaraan kubadda cagta heerkii la doonaba awoodoodu ha gaarsiisee.

Tiradoodu waa afartan (40) da'dooda marka la isku darana waxay jiraan ugu yaraan 1800 sanno balse wali way nool yihiin wayna ordayaan waxayna maalinba maalinta ka dambeysa soo bandhigaan xirfad kaba suushay uunka sida sabca iwm.

Odayaashan oo doorbiday in loogu yeero dhallinta cuslaatay ayaa waxay isku qaybiyeen afar koox oo la kala yiraahdo: Horseed, Xiddigaha, Hilaac, iyo Dixon.

Kooxahani waxay ciyaaraan maalmaha Talaadada oo ciyaaro saaxiibtinimo ah iyo Arbacadda oo ah laba ciyaarood oo rasmi ah kana tirsan Horyaalka 2012/2013 ee waalidiinta caruurta Afro-Can SC.

Tartankan ayaa wuxuu si rasmi ah u bilaabmi doonaa Maalinta Arabacada oo ay bishu tahay October 17,2012. Ciyaarta kowaad waxaa foodda is dari doonaa kooxda Xiddigaha iyo Hilac FC. Ciyaarta labaadna waxaa wada yeelan doonaa Dixon FC iyo Horseed

Ciyaarta kowaad waxay bilaabanaysaa 7:30 pm, midda labaadna waxay bilaabanaysaa 8:30 pm.

TEAM GP W D L GF GA PTS
Xiddigaha              
Dixon              
Horseed              
Hilac              

 

Date Time Match
Oct.17,2012 7:30 pm Xiddigaha V Hilac
  8:30 pm Dixon V Horseed

Isku aadka kooxaha oo dhameystiran la soco goor dhow

Daawasho iyo ka soo qaybgal wanaagsan.

 




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line