• Xiddigaha Champions

Kooxda Xiddigaha ayaa sannadkii seddaxaad oo xiriir ah ku guuleysatay koobkii Ramadan Cup kadib markii ay 3-2 ku dharbaxeen kooxda Universal.

Labadan kooxood ayaa yeeshay laba kulan. Ciyaartii hore waxaa la ciyaaray Axaddii hore oo ay bishu ahayd July 5,2015 waxaan 3-2 ku badisay kooxda Xiddigaha.

Ciyaartii labaad oo la qabtay maanta oo ay bishu tahay july 12,2015 ayaa haddana sidoo kale 3-2 ay guusha ku raacday Xiddigaha sidaan ku qaadatay koobkii.

Etob oo koobkii guddoonsiinaya kabtanka kooxda Abdi Adan.

Tababarah kooxda Xiddigaha Mahdi ayaa gabagabadii ciyaarta sheegay inuu aad ula dhacay qaab ciyareedka ay kooxdiisa soo bandhigtay.

Waxaa xusid mudan in seddaxdii sanno ee la soo dhaafay 2013,2014 iyo 2015 intaba ay kooxda Xiddigaha ku guuleysatay koobkani Ramadan Cup.

Sidoo kale kooxdan waxay ku guuleysatay Summer cup 2013 iyo 2014.

Summer cup 2015 oo weli socda ayaa haddii ay ku guuleysato noqon doonaa isaguna koobkii seddaxaad oo xiriir ah oo ay kooxdan la hooyato.

More pics coming soon




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line