• Xiddigaha oo 3-2 kaga badisay Muqdisho Fc

Waxaa ciyaar saaxibtinimo isaga hor yimid kooxd Muqdisho iyo Xiddigaha.

Labdani kooxood ayaa soo bandhigay ciyaar aad u xiiso badan, oo aad u raali gelisay dadweynihiii usoo daawashada tagay.

Wixii weerar iyo weerar celin leesku haayaba waxaa goolka ku hormartay kooxda Muqdisho, kadib markii ciyaartooygii ugu da'da yaraa uu kubad meel fog kasoo laaday uu goolhayahii Xiddigaha u daba mariyay.

Goolkaasi kadib ayaa ciyaartooydii Xiddigaha ay weerar aan kala go' laheen ku qaaday goolka Muqdisho, iyagoo halkaasi ka dhaliya 2 gool oo darn doori ah. Labadan gool ayaa waxaa u kala dhaliyay Sabir Hamada iyo Anwar Elmi.

Muqdisho oo gurigeedi lagu ciyaarayay ayaa iyadoo kaashaneysa taageereyaasheeda faraha badnaa ee halkaasi joogay ay heshay goolkii bar bardhaca 2-2.

Dhamaadkii ciyaarta markii ay ka harsaneyd 5 daqiiqo ayaa Sabir Hamada uu haddan goolkii 3aad uu kooxdiisa Xiddigaha u dhaliyay.

Ciyaartan oo labada kooxoodba ay soo bandhigeen ciyaar wanaag oo ay asluubi ku dheehan tahay ayaa waxay ku dhamaatay 3-2 oo ay guusha ku raacday Xiddigaha.


 



Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line