• Cabdi Dheere " Kubadda Waxay Ku Qurxoon Tahay In Hal Meel Lagu Ciyaaro"

     

Ciyaar kubadda cagta ah ee lagu sii dhaweynaayey Guddoomiyaha kooxda Iftin Bashir Xiis Khalif ayaa lagu qabtay magaalada Toronto.

Labadan kooxood oo ka koobnaa ciyaartoodii cuslaatay ayaa iyagu soo bandhigay ciyaar aad u xiiso badan oo dadkii ka soo qeybgalay ay si weyn ugu riyaqeen.

Gabagabadii ciyaarta ayaa waxaa halkaasi ka hadlay xiddigihii hore ee kooxda kubadda kolleyga ee Jeenyo iyo xulka qaranka Cabdi Maxamed Cige " Cabdi Dheere".

Cabdi dheere ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu arko qaar ka mid ah raggii magaca ku lahaa sportiga Soomaaliyeed oo meel isugu yimid oo wada ciyaaraya.

Cabdi dheere ayaa intaa raaciyay inuu soo xasuustay wagii nabadda iyo garoomadii kubadda cagte ee Soomaaliya kadib markii uu halkaasi seddax gool ka dhaliyay Mukhtar Cuti iyadoo Cantar Jeenyo u isaguan hal gool shabaqa la helay.

Cabdi dheere ayaa hadalkiisa ku soo gunaanaday in bahweynta sportiga ee Toronto ay meel ka soo wada jeestaan oo ay iska ilobaan fikradaha yar yar ee ay ku kala duwan yihiin iyagoo danta guud ka hormarinaya danta gaar. Cabdi dheere wuxuu si aad ah ugu nuux nuuxsaday in sportiga uu ku qurxoon yahay in hal meel lagu qabto.

Sidoo kale waxaa iyaguna ereyo halkaasi ka soo jeediyay qaar ka mid ah xiddigihii hore ee kubadda cagta iyo kolleyga sida: Mukhtar Cuti, Cantar Jeenyo, Cabdi Aadan, Farax Oday, Oday Mursal, Bashi Cali Bashi, Cabdi Deputato, Faris iyo qaar kale.

Ugu dambeyntii Guddoomiye Bashir Xiis Khalif ayaa aad ugu mahadceliyay dhamaan dadkii soo qaban qaabiyay kullanka iyo dadkii ka soo qeybgalay intaba.

W/DMohamed Busuri
mbusuri@xiddigaha.ca




 

Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line