• Mas`uuliyiin iyo Tababarayaal Loo Cusbooneysiiyay Xilkooda

 

Xiriirka Kubadda koleyga Soomaaliyeed ayaa soo saaray wareegto dib xilalkooda loogu cusbooneysiinayo mas`uuliyiin iyo tababarayaal hore loo magacaabay haatanna xiriirku sheegay in xilalkooda loo cusbooneysiiyay ka dib markuu xiriirka sidaas gartay.Warqadda lagu magacaabay mas`uuliyiintan iyo Tababarayaasha oo soo gaartay xafiiska SomSports magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku saxiixnaa Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Koleyga Ibraahim Xuseen Cali (Roombo) .

Xiriirka Kubadda Koleyga ayaa magaacabay mas`uuliyiinta iyo tababarayaal maadaama XSKK loo doortay mas`uuliyiin cusub , horeyna xiriirka u magacaabay xilal kala duwan shaqsiyaad horey ugu mid ahaa ciyaartoydii hore dalka magac weyna ku leh isboortiga dalka isla markaasna ay muhiim tahay in laga faa`deysto waxqabadkooda .

Haddaba xiriirka ayaa dib ugu magacaabay xilalkan mas`uuliyiintan hoos ku xusan :-

1. Dr: Cusmaan Xuseen “Shiish” La Taliyaha XSKK

2. C/qaadir Xaaji Daahir “Shiikha” Tababaraha Xulka Qaranka K/Koleyga

3. Axmed Daahir Axmed Tababare ku xigeen Xulka Qaran K/Koleyga

4. Cusmaan Cali Abanuur (Bruno) Tababare ku xigeen Xulka Qaran K/Koleyga

5. Cabdullahi Xaaji Cilmi Ereg” Xaaji” Tababare ku xigeen Xulka Qaran K/Koleyga

Sidoo kale xiriirka ayaa magacaabay ku xigeenka kaaliyaha Xoghayaha Guud XSKK Mudane Faarax Jaamac Nuur (Faarax Oday).

Wuxuuna u rajeeyay mas`uuliyiintan iney waajibaadkooda u gutaan si wanaagsan oo xilkasnimo iyo wadashaqeyn ay ku dheehan tahay .

Ma`aha markii ugu horeysay ee mas`uuliyiintan lagu dhawaaqo xilalka haatan loo magacaabay waxaa hore mas`uuliyiintan u magacaabay guddoonkii hore ee XSKK iyadoo markanna la sheegayo inay magacaabiddan keentay baahida loo qabo xubnaha la magacaabay in loogu faa`ideysto qibradda iyo waayo aragnimadooda dhinaca horumarinta Kubadda Koleyga Soomaaliya.



 


 

 

Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line