• YA DAAFICI KARA KARAAMADDA AY CIYAARAHEENA FUDUD LAGU YIQIIN?

     

Sportiga guud ahaan waa aalad lagula dagaalamo ka hortegida waxyaabaha xun xun oo asiiba dhalaanka soo koraayo,waxay qeyb ka tahay tiiraarka aasaasiga u ah bulsho kasto oo dunida ku nool iyado u horseeda jiilalka soo koraayo in ay aqoonta ka galaan safka hore madaama aan arrinta aan saldhig uga dhigeyno mahmaahdii aheyd(JIR FIYOW AYAA MASKAX FIYOW KU JIRTAA), ,waana qeybta ugu muhimsan ee dhalisay in bani'aadamku uu xurmad leeyahay lana doonaayo in xurmadaasi la dhawro,waxay soo yareysaa kala fogaanshaha bulshada addunka ku nool,waxay aburtaa sharaf iyo qiyam aan waligaa lagaa qaadi karin,marka miyesan mudneyn in qimahaasi loo helo dhalinyaro hanan karta magaca Ummadda Soomaaliyedna gaarsiin karta halka uu mudanyahay.


Waxaan dib u yare jaleceynaa Taarikhda ay Ummadda Soomaaliyeed ku laheyd ka qeyb galka Ciyaaraha Fudud ee addunka iyo guulihii ay soo hoyiyeen,waxaana guulahaasi ugu horeeyey Marxuum Cabdulle Nuur Waasughe oo uUmmadda Soomaaliyeed u soo hoyiyey Biladii ugu horeysay ee Dahabka aheyd Tartankii ALL AFRICAN GAMES ee lagu qabtay Dalka Nayjeeriya,Halyey Cabdi Bile Cabdi oo isagana u soo hoyiyey Bilad dahab ah Tartankii addunka ee Ciyaaraha Fudud ee lagu qabtay Dalka Talyaaniga sanadku markuu ahaa 1987 ka dib markii uu si xaraga leh ugu guuleystay 1500mitir,Cali Bay oo isna ku guuleystay Bilad Dahab ah ee 200Mitir Tartankii Carabta ee lagu qabtay Dalka Maroco,Cali Dheere oo ka mid Ciyaartoyda Xulka Qaranka Soomaaliyeed ayaa isna ku Guleystay laba Biladood oo dahab ah oo uu ka kala qaaday Tartankii Carabta ee lagu qabtay Magaaladda Muqdishu,iyo Tartankii bariga iyo Bartamaha Afrika oo uu labadaba ku guuleystay Bilado Dahab ah,waxa kalo aan halkaan ku xuseynaa Cabdulqaadir Waraabe oo isna Kaalinta sedexaad ku guleystay Tartankii Maratoonka ee lagu qabtay Magaalaada Muqdishu,isagoo helay Bilad Maar ah,sidoo kale Jaamac Karaaciin oo isna helay Biladda Dahabka ah ee 400 Mitir ee tartankii carabta heleyna Bilad dahab ah.


GUULAHAASI YAA DAAFICI KARA?
Xiriirka Soomaaliyeed ee Ciyaaraha fudud waxa uu xuuraan u galay sidii loo heli lahaa shaqsiyaad lagu aamini karo in ay soo celiyaan qiyamkii ay Ummadda Soomaaliyeed Isboortiga ku lahaayeen gaar ahaan Ciyaaraha fudud,kuwaa oo la doonaayo in ay ka gadmi karaan Bahda Isboortiga marka laga fiiriyo Taarikhdooda Isboorti , Aqoonta ay u leeyihiin Ciyaaraha fudud,bahda Isboortiga qiimeynta ay u hayaan,sameynta ay Isboortiga Soomaaliyeed ay ku leeyihiin iyo ictiraafka ay ka haystaan khubaradda Isboorti ee ku xeel dheer Isboortiga noocyadiisa kala duwan,arrinta oo ah mid sax ah oo maanta aan Xiriirka Ciyaaraha Fudud lagu amaani karo,runtiina keyneysa in guulaha aan tabeyno gaarno.
TALAABADII XSCF UU QAADAY
Markuu arkay...............................Guulaha ay Ciyaaraha Fudud hore u gaareen.
Markuu arkay...............................Muhimadda ay Ciyaaraha Fudud ay Soomalidu ugu fadhido.
Markuu Dareemay.......................In loo baahan yahay Shaqsiyaad aqoon u leh C/Fuduud
Markuu Xuuraansaday................Shaqsiyaadka dabooli kari Baahidaan.
AYUU WAXA UU MAGACAABAY.
1)In uu Tababare u noqdo Xulka Qaranka Soomaaliyeed ee Ciyaaraha Fudud Mudane Cabdi Warsame isagoo lagu qiimeeyey Taarikhda uu Isboortiga ku leeyahay,Cabdi warsame waxa uu Isboortiga ka soo bilaabay ka qeyb galka Tartankii Degmooyinka iyo Dugsiyadda,waxaana uu uga gudbay ka qeyb galka Tartankii Goboladda isagoo u saftay Gobolka Benaadir,waxaana uu u gudbay in uu ka mid noqdo Ciyaartoydii Ciyaaraha Fudud ee Naadigii Wakaaladda Ganacsiga,isagoo markii uu muujiyey dadaal badan ka mid noqday Xulka Qaranka Soomaaliyeed ee Ciyaaraha Fudud,waxaana uu ka mid ahaa Ciyaartoydii Magaca Soomaaliyeed uga qeyb gashay Tartankii Olimpigadda ee 1996 lagu qabtay Magaaladda Atlanta.

Tababare Cabdi Warsame Isaaq waxa uu shahaado ka qaatay Georgia High School Sport Association,iyoAmerican Sport Association,isagoo tababare u soo noqday illa 4 Dugsi sare oo ku taala Magaaladda Atlanta uuna gaarsiiyey heer aad iyo aad u sareeye,waxa kale uu shahaado heer caalami ah ka haystaa Xiriirka Ciyaaraha fudud ee Caalamka(IAAF),waana Gudoomiyaha SOMALI RUNNERS ORGANIZATION oo kulmiya dhamaan oradyahanadda Soomaaliyeed.
2)Waxa sidoo kale loo magacaabay Mudane Cabdulqaadir Caraale Cumar in uu noqdo U qeybsanaha ama Agaasimaha Farsamadda ee Xiriirka Soomaaliyeed ee Ciyaaraha Fudud,waxaana ay taa ku timid mar lagu qadariyey Taarikhda uu Isboortiga Soomaaliyeed ka soo maray waxa uu ka soo bilaabay ka qeyb galka tartankii Dugsiyadda Gobolka Benaadir,waxaana uu u gudbay ka qeyb galka Tartankii Goboladda,isagoo u saftay Gobolka Benaadir,markii la arkay dadaalkiisa ayaa waxa uu ka mid noqday Ciyaartoyda heerka kowaad ee Kooxdii Horseed,waxaana uu uga sii gudbay in uu xubin firfircoon ka noqdo Xulka Qaranka Soomaaliyeed ee Ciyaaraha fudud.

Mudane Cabdulqaadir Caraale waxa uu ka mid ahaa Ardaydii ka qalin jabisay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan Kuliyadda Injineeradda,waxaana uu MS ku sameeyey COMPUTER SCIENCE,sidoo kale dhanka Isboortiga waxa uu ka haystaa shahaado SPORT MANAGMENT iyo shahaado Caalami ah oo ay Bixisay Xiriirka Ciyaaraha Fudud ee Addunka(IAAF),IAAF COACHING CERTIFICATE,Mudane Caraale waxa uu ka mid ahaa shaqsiyaadkii suurta geliyey in Olimpigadii 1996 si qiimo leh looga qeyb galo,madaama isaga iyo saaxiibkiis Maxamed Santuur ay abaabuleen Ciyaartoydii Ciyaaraha Fudud ee ku nooleyd Dalka Mareykanka,waxaana uu hadda hayaa jagada Xoghayaha Guud ee SOMALI RUNNERS ORGANIZATION ,waxana uu Kaaliye u noqday Kaaliye u noqday IAAF ISSTRUCTOR Tababarkii lagu qabtay Magaaladda Jabuuti oo ay soo abaabuleen Xiriirka Soomaaliyeed ee Ciyaaraha Fudud iyo Guddiga Olimpigadda Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii waxaan hambalyo u direynaa labadaan khubaro in ay ka soo dhalaalaan xilka culus ee loo dhiibay,iyagoo aan Ilaah uga baryeyno in uu u fududeeyo.
A/xafid Zaciimka.
zaciimka02@hotmail.com




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line