• Libaaxyadii Zambia oo Ku Guuleystey Afican Cup Of Nation

 

Librevilla Stadium -Feb-12-2011-xiddigaha.com-Saaxiibayaal qormadeena ciyaaraha waxaynu ku lafagureynaa gunaanadkii African Cup Of Nation oo khtimayaan xulka libaaxyada Zambia iyo xulka Maroodiyaasha Ivory Coast.
Ciyaartan finalka ahayd oo la wada sugayey ayaa waxaa ka soo qeybgalay dadweyne aad u tiro badan iyo taageerayaash labada dhinac oo la soo shirtegey udbahoodii iyo dhigahoodii



Ciyaartan oo ku bilaabatey deganaan iyo isku dhiib-dhiib fiican ayaad u maleynasey inuu garoonku yara raf ama toranturadiisu badneyd labada xulna fursado badan ayey iska lumiyeen.

Haddaba qeybtii hore ee ciyaarta waxay ku dhamaatey 0-0- qeybtii dabe markii la iskugu soo noqdey daqiiqadii 73-aad oo Ivory Coast waxaa u suurtoodey iney helaan Penalty ama Rigoore waxaana u soo baxay xiddiga reer Chelsea NO-11- Drogba waxaanu ku toley cirka taas oo kalana waxay dhacdey 2006-kii oo iyaduna ahayd final, 90-kii daqiiqo ee ciyaarta loogu tala galey waxay ku dhamaatey 0-0.



Sida Ay caadadu ahayd waxaa lagu darey 30- daqiiqo tiina wey is mari waayeen waxaana qolo walba loo dhigey shashan rigoore,markana qolowalba guushoodu waxay ku xidhantahay labada gooli aakhirkiina libaaxyada Zambia oo ah markii ugu horeyse iney ku guuleystaan African Cup Of Nation.Ciyaartuna waxay ku dhamaatey 8-7-Penalties ama Rigoorayaal.

W/D-Jaahuur
xiddigaha.com




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line