• Zambia-Ivory Coast Oo Min 1-0- Ku Kala Furdaamiyey Ghana Iyo Mali

Bata Stadium-Gabon-Wed-Feb-08-2012-xiddigaha.com Akhyaartay qormadeena ciyaaraha waxaynu maanta ku falanqeyneynaa African Cup Of Nation oo aynu soo sheegney in maanta hilfaha la isu qaadayo waddamadaas oo u soo hadhay Semi Finalka oo kala ah libaaxyada Zambiya oo wajahaya Ghana iyo Maroodiyaasha Ivory Coast oo la daalici doo na Mali.
 
Haddaba Saaxiibayaal ciyaartii ugu horeysey oo ka dhacdey Garoonka weyn ee caalimiga ah ee Bata Stadium waxaa foodda isgaliyey Zambia iyo Ghana Ciyaartan oo mucjisa ahay oo dadweynihii ka soo qeybgaly iyo taageerayaashii reer Ghana ku riddey amakaak iyo arg-gax rumeysnaayeena iney si sahal ah ku macasalaameyn doonaan ayey sheekadu si kale isu baddeshy.

 
Ciyaartu markii ay bilabanteyba reer Ghana waxay ku heesayeen labada xiddig ee Andry Eyew oo sanadkan 2012 ku guuleystey Africa Best FootBaller iyo xiddiga kale ee Asamoah Gyan iney goolal badan dhalin doonaan.Laakiin ciyaartan oo aad u xiisa badneyd labada kooxoona soo bandigeen ciyaar nadiif ah ayaa qeybtii hore daqiiqaddii 8-aad Ghana waxaa u suurta gashey iney helaan Penelty ama Rigoore waxana u laadey NO-3-aad Asamoah Gyan laakiin waxaa afka u dhyigtey Goolhayaha Zambia qeybtii horana waxay ku dhamaatey-0-0- qeybtii labaad daqiiqaddii 78- Emmamuel Mayuka oo beddel ku soo galey ayaa kooxdiisa u dhaliyey Goal qurux badan ciyaartuna waxay ku soo gabagaboodey ZAMBIA-1-GHANA-0.
 
Ciyaartii kale oo ka dhacdey Garoonka weyne Librevilla Stadiun-oo runtii ka liidatey tii hore waatyo waxa ay ahayd ciyaar Rough ah ama haranti badan waxaana ka dhex muuodey garoonka oo salaamayey Xddigii,Boqorkii kubadda cagta ee reer Brazil PELE.
 
Maroodiyaasha Ivory Coast oo runtii qeybtii dambe ciyaarta wax ka badeley ciyaarta ayaa jaanta si fiican iskulahely waxaana khiradoodii la soo baxay Drogba,Yaya, iyo wereryahanka reer Arsenal Gervinho oo u saxeexey Goolka ay ku badbaadeen ciyaattuna waxay ku soo dhamaatey Ivory Coast-1- Mali-0
Saaxiibayaal waa inoo Sun-12-2012 iyo ciyaata (FINAL) ZAMBIA VS IVORY COAST Haddii uu EEBBE ka dhigo.

W/D-Jaahuur-Ottawa
xiddigaha.com

 




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line