• Xilliga la qabanayo Tartanka Kubada Koleyga Magaalooyinka Bariga iyo Bartamaha Afrika oo la shaaciyay

Guddiga tartanka cayaaraha kubadda koleyga ee magaalooyinka Bariga iyo Bartamaha qaarada africa, ayaa xaqiijiyey in sanadka 2014, Cayaaraha Magaalooyinka lagu qaban doono Magaalada Dara-salam ee wadanka Tanzaniya, iyadoona Tartankan uu noqonayo midkii 16aad oo la qabto waxuuna bilaaban doonaa 06 May ilaa iyo 11 May 2014.

Madaxa dhinaca Warfaafinta iyo suuq-geynta u qaabilsan Guddiga Tartanka Cayaaraha Magaalooyinka Kubada Koleyga ee Bariga iyo Bartimaha Afrika, Eng Baana Cabdalla Cali ayaa sheegey in hadafka Tartaan uu yahay sidii ay cayaartoyda kubada koleyga iyo Magaalooyinka Bariga iyo Bartmaha Afrika ay u sameyn lahaayeen is-dhex-gal, waxa uuna xusay in sanadkaan tartan ay kasoo qeyb gali doonaan Wadamo aan magaalooyinkooda horey ugu soo qeyb galin Cayaarahaan sida Sudan kooforeed, Masar, iyo Jabouti.

Cayaarahan ayaa labadiisano ee ugu danbeeyey Soomaaliya waxaa uga qeyb galey magaaloyinka Mugadushu, Hargeysa iyo Gaalkacyo , waxaana sanadka 2014, la filayaa in ay ka qeyb galaan Magaalooyinka Kismayo, Xudur iyo Boosaaso oo iyagu shaaciyay in ay ka qeyb galayaan Cayaaraha Kubada Koleyga ee Magaalooyinka Bariga iyo Bartamaha Afrika.

www.zone5intercities.com
 

W/D Salah Dheere



Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line